Wednesday, June 25, 2025

Dalka Qatar oo yeeshay Beer lagu dhaqo Lo’ ka badan 10,000 kadib Xayiraadii Sacuudiga [Daawo Sawirro]

Sanad kadib go’doomintii ay dalka Qatar saareen afar dal oo kala ah Sacuudiga, Imaaraadka, Baxreyn iyo Masar waxay dalkaasi yar ka dhigtay go’aan halis ku jira, waxaan xirmay xuduudka kaliya oo dhinaca dhulka uu kala lahaa Sacuudiga.

Qatar waxay maareysay xaaladii ka soo wajahday xayiraadda lagu soo rogay, waxayna u baxsatay dalalka Turkiga iyo Iiraan si ay uga hesho cunto ay dadkeedu quutaan oo markii hore ay si toos ah ugu tiirsaneyd Sacuudiga.

Mashaariicda waaweyn  ee ka dhashay xayiraadii lagu soo rogay dowladda Qatar waxaa ka mida Beerta Baladna oo lagu dhaqo Lo’ ay kasoo iibsatay dalalka Yurub iyo Mareykanka oo hadda tiradeedu gaartay 10,000 neef, waxaana laga soo saaraa Caano ku filan dalkaasi.

Waa goob lama degaan ah oo ku taalla xero lagu xannaaneeyo lo’da Qadar soo iibsatay, waxaan lagu xiray qaboojiyeyaal, lo’da halkan waxaa naasaheeda lagu xiray aalad caanaha ka lisaysaa, dhaqashada lo’da waxay noqotay isha dhaqaale ee dowladda.

Sannad ka hor, Qadar ma aysan dhaqan jirin lo’da irmaanka ah, waxayna ku tirsanayd caanaha uga imaan jiray dalka Sacuudiga, balse hadda beerta Baladna waxay noqotay astaan muujineysa isku filnaasho.

Neefkii ugu horeeyay oo lo’ ah waxaa lagu soo duuliyay diyaaradda Qadar bil kadib markii uu bilowday khilaafka u dhexeeyay dalalka khaliijka islamarkaasna dalkan yar ay go’doomiyeen dalalka carabta ee jaarka la ah.

Maamulaha beerta lagu dhaqo lo’da Qadar Peter Weltevreden wuxuu yiri “qof kasta wuxuu rumaysanaa in tallaabadan aanu hirgeleynin balse hadda waan ku guulaysanay”. Wuxuu sidoo kale sheegay inay ballan qaadeen sanad kaddib markii go’doominta la saaray Qatar inay soo saari doonan caano ku filan dalka. 

5-tii bishii June sannadkii tagey, Sacuudi Carabiya, Imaaraatka Carabta, Baxrayn iyo Masar waxay xiriirkii dublumaasiyaeed, ganacsiga iyo gaadiidka ay u jareen Qatar. Waxayna ku eedeeyeen in Qatar ay taageerto ururrada ragagixisada ee ammni darrada ka wado gobolka, waxayna sheegeen inay xiriir dhaw ay la yeelan doonaan Iiraan.

Wasiirka arrimaha dibadda Qatar Sheikh Muxamed Abdulraxmaan Al-Thani wuxuu sheegay in go’doominta la saaray dalkiisa looga golleeyahay in dalalka khaaliijka ay doonayaan inay la wareegaan awoodda gobolka.

Waxay kaloo Qatar furatay deked cusub oo ay ku kacday adduun gaaraya $7bn si ay uga gaashaamato cunaqabataynta dhaqaale ay kusoo roggeen dalalka jaarka. Dekeddan cusub waxaa loo adeegsan doona in lagu soo dhoofiyo agabka lagu dhisaya garoomada ay ku marti galin lahayd cayaaraha adduunka ee sannadka 2020-ka.

DAAWO SAWIRRO

undefined

The 100-unit, custom-built Dairymaster milking parlour and the huge sheds where the cows are housed at an air-conditioned 25°

The 100-unit custom built Dairymaster milking parlour

Image may contain: sky, cloud, outdoor and nature

Image may contain: 2 people, drink and text

Baladna Food Industries

Baladna Food Industries

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON