Monday, July 7, 2025

Dalka Zimbabwe oo xaalad cusub galay iyo Madaxweyne cusub oo la caleemo-saarayo

Hogaamiyaha lagu wado in uu qabto xilka madaxwaynanimada Zimbabwe Emmerson Mnangagwa ayaa bogaadiyay dimuqraadiyadda cusub ee ka dhalatay dalkaasi.

Mr Mnangagwa ayaa dib ugu soo laabtay dalka Zimbabwe si uu u badalo Robert Mugabe oo xilka ka dagay. Waxa uu wacad ku maray in uu shaqooyiin ka abuuri doono dalkaasi oo dadka ku nool 90% ay yihiin shaqo la’aan.

“Waxa aan doonaynaa in aan kobcino dhaqaalaheena,waxa aan doonaynaa nabad,waxaan doonaynaa shaqooyiin,” waxa uu sidaas u sheegay dad aad u faraxsanaa oo isu soo baxay.

Mr Mnangagwa, oo laba toddobaad ka hor u cararay dalka Koonfur Afrika ayaa lagu wadaa in loo dhaariyo xilka madaxwaynanimada maalinta jimcaha ,sida uu baahiyay TV-ga qaranka.

Shaq ka cayrintii Mr Mnangagwa ayaa horseeday in ay xaaladda soo faragaliyaan militariga iyo xisbiga talada haya taasi oo ugu dambeyntii soo afjartay 37 oo uu dalkaasi ka talinayay Mugabe.

Emmerson Mnangagwa ayaa ku ammaanay militariga sida nabadda ah ee ay xilka ugala wareegeen Mugabe.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON