Tuesday, June 24, 2025

Danjiraha Soomaliya ee Sacuudiga oo loo magacaabay jago kale oo safiirnimo

Dowladda Soomaaliya ayaa xil safiirnimo oo labaad u magacawday dajirenimadii dalka Sacuudiga, iyadoo loogu daray labaad oo uu safiirku u qaabilsanaan doono Soomaaliya.

Danjire Daahir Maxamuud Geelle oo Soomaaliya u fadhiya Dalka Boqortooyada Sucuudiga ayaa loo magacaabay Safiirka Soomaaliya u fadhinaya dalalka dalka Khaliijka ku yaala ee Baxreyn.

Safiirka ayaa waxaa warqaddiisa Safiirnimo ee dalka Baxreyn ka guddoomay Wasiirka Arrimaha dibadda Boqortooyada Baxreyn Sheekh Khaalid Bin Axmed Al-khaliifa oo xafiiskiisa ku qaabilay.

Sheekh Khaalid Bin Axmed Al-khaliifa ayaa isoo dhaweeyay Safiirka cusub oo dowladda Soomaaliya u magacawday dalkiisa, isagoo ballanqaaday inuu gacan ku siin doono gudashada waajibaadkiisa safiirnimo.

Daahir Maxmuud Geelle ayaa wixii haatan ka dambeeya noqon doona safiirka Soomaaliya ee  dalalka Sacuudiga iyo Baxyren.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON