Friday, July 4, 2025

Danjire Axmed C/sallaan: Musharax Madaxweynaha Maamulka Gobolada Dhexe

Axmed C/salaan Xaaji Aadan danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Itoobiya ayaa ugu danbeyn si rasmi ah shaaca uga qaaday inuu yahay musharax u taagam hogaanka maamulka Gobolada dhexe ee la filayo in dhowaan laga dhiso degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

axmedsalam

Xaflad si weyn loo soo agaasimay oo ka dhacday hotelka SYL ayuu musharaxu ku shaaciyay inuu u sharxan yahay xilka madaxweynaha maamulka goboladda dhexe, waxaana xaflada ka hadlay dadweyne iyo mas’uuliyiin fara badan oo ay ka mid yihiin ra’iisal wasaarayaashii hore ee KMG ahaa sida Cali Maxamed Geedi iyo Nuur Xasan Xuseen (Cadde).

Maamulka gobolada dhexe ayaa waxaa u taagan musharixiin kale oo ay ugu cadcad yihiin C/kariin Xuseen Guuleed iyo Axmed Macalin Fiqi, laakiin waxay dad badan rumeysan yihiin in Axmed C/salaan uu ka mid noqon doono musharixiinta ugu cadcad oo meel fiican ka geli doona haddiiba ay dhacdo in tartan loo galo jagada ugu sareysa ee maamulkaasi.

Waxaa hore u jiray warar sheegayay in Axmed C/salaan uu tanaasulay  kadib markii uu heshiis hoose la galay madaxweyne Xasan Sheekh isagoo taageeray musharaxnimada C/kariin Guuleed, laakiin waxaa wararkaasi meesha ka saaraya musharaxnimada uu shaaciyay Danjire Axmed C/salaan maanta.

 

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

 

[ad name=”HTML-6″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON