Danjire Maxamed Cali Nuur (America) iyo xubno la socda oo isugu jira siyaasiyiin, xildhibaano iyo Malaaqa Xamar iyo Xamar-daye ayaa shalay booqday degmada Balcad oo ka tirsan gobolka Sh/dhexe , iyadoo si weyn loogu soo dhoweeyay halkaasi.
Wafdiga safiirka waxaa ka mid ahaa Xildhibaan Qaasim Cali Nuur (Furdug), Cali Malaaq Showri, Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Cadde Gaabow iyo xubno kale. Maamulka degmada Balcad iyo dadweyne fara badan ay ku soo dhoweeyeen caleemo qoyan.
Xarunta degmada Balcad ayaa lagu guddoonsiiyay Danjire Maxamed Cali Ameeriko hadiyado kala duwan, waxayna booqashadiisu degmada Balcad ka mid ahayd socdaal uu ugu magac daray “Socdaalka Nabadda”.
Guddoomiyaha degmada Balcad Maxamuud Saney ayaa Danjire America uga mahad celiyay socdaalka uu ku yimid degmada Balcad, wuxuuna si diiran u soo dhoweeyay danjiraha iyo xubnaha la socda.
Danjire America ayaa ka mahad celiyay sida qiimaha leh ee loogu soo dhoweeyay isagoo dadka Balcad ku ammaanay nabadda iyo maamulka ay ka shaqeeyeen. Wafdiga Danjire America la socday waxay ku wareegeen xarumaha kala duwan ee degmada Balcad.