Monday, June 23, 2025

Darawal Somali-Kenyan ah oo si Dirqi ah Alshabaab uga badbaadiyey 8 Qof oo Shaqaale Kenyan ah

Booliska Kenya ayaa shaaciyey in nin Soomaali Kenyan oo Darawal ka ah Gaari Hoomey uu maleeshiyo ka tirsan Alshabaab ka badbadiyey 8 qof oo Kenyaan ah, kaasoo noqday arrin si weyn looga hadalhayo Mandheera iy degaanda la xiriira.

Sida uu sheegay Guddoomiyaha Mandheera ee Waqooyi Bari Kenya Onesmus Kyatha darawalka Somali-Kenyan-ka ah ayaa rakaab ahaan u waday 8 qof oo shaqaale ah oo aan kasoo jeedaan degaanka Soomaalida, balse ka yimid degaanada kale ee Kenya, waaana jidka u galay Ciidamo gaaraya 10 maleeshiyo oo ka tirsan Al-shabaab.

Darawalka ayaa iska dhigay inuu joojinayo gaariga markii ay u gacan haatiyeen, balse uu aad ugu soo dhowaaday ayuu xowli sare ku kaxeeyay gaarigii oo sidaas uga baxsaday maleeshiyadii oo markaas kadib rasaas ku furay, taasoo waxyeelo gaarsiiyey lug ka mida Gaariga, balse ma jirin cid ku dhaawacantay, waxaana shaqaalaha la badbaadiyey ay ahaayeen kuwo dhismaha ka shaqeeeya oo ka baxay Ceelwaaq kuna sii jeeday Mandheera.

Ad

Darawalka oo magaciisa loo qariyey sababo amni ayuu sheegay Guddoomiyaha Mandheerada haddii uu Gaariga joojin lahaa inay Alshabaab toogan lahaayeen 8-da qof ee Kenyaanka ah, wuxuuna gaariga ku socdaalayey jidka u dhaxeeya Ceelwaaq iyo Borehole.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON