Thursday, June 26, 2025

Darawalkii Gaafow oo faahfaahiyay sidii uu ku dhacay dilkii kaaliyaha Agaasimaha Maxkamadda Sare

Faarax Cali Nuur oo ku eedeysan dilka kaaliyihii Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Soomaaliya ayaa qirtay inuu denbigaasi galay.

Ninkan oo darawal u ahaa taliyihii hore ee NISA Gen. C.llaahi Gaafow oo loo gacan geliyay  ciidamada Booliska ayaa  qiray inuu isgu ka dambeeyay falkii dilka ahaa ee loo geystay Agaasimihii Maamulka Maxkamada Sare Mursal Cumar.

Isagoo warbaahinta la hadlay ayuu Faarax Cali Nuur  sheegtay qiraalka dembiga, wuxuuna sheegay inuu isaga dilay Marxuum Mursal Cumar Cismaan. Wuxuuse ku dooday in dilka aanu u dhicin si ulakac ah, laakiin uu ahaa mid lama filaan ah oo kama’ ku dhacay, wuxuuna codsaday la cafiyo.

“Dilka anigaa geystay, ninkana nin iga dheer ma aheyn waa nin walaalkey ah oo guri aan isla degeneyn, wixii qadarta ku dhici rabana cid celin karta ma jirto, waxaan ka codsanayaa dowladda Soomaaliya iyo ehelkiisa inay i cafiyaan, nin kale iyo aniga ayaa muranay, ninkii kale intaan u socday ayuu isagii ka soo soke maray, xabadihiina isaga ayeey ku dhaceen.” Ayuu yiri Faarax Cali.

Goobjooge.com 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON