Tuesday, June 24, 2025

Darawallada Bajaajta Muqdisho oo bannaanbax cabasho ah ka dhigay magaalada Muqdisho

Bannaanbax ay dhigeen Darawallada mooto Bajaajta magaalada Muqdisho ayaa maanta ka dhacay Isgoyska mashquulka badan ee KM 4.

Darawallada ayaa xiray isgoyska iyadoo ka cabanaya ciidamada dowladda oo si bareer ah dil joogto ah ugu haya iyadoo falkii ugu danbeeyay xalay lagu dilay darawal Bajaaj magaalada Muqdisho.

Bannaanbaxayaasha ayaa keenay inuu xirmo isgoyska KM 4 in muddo ah, waxaana markii danbe halkaasi gaaray ciidamada dowladda, waxayna saraakiisha ciidamada ku qanciyeen Bajaajleyda inay kala tagaan iyadoo u sheegay in arrintooda wax laga qaban doono.

Askari xalay ku dilay Muqdisho darawal waday Moojo Bajaaj ah ayaa la sheegay inay qabteen ciidamada oo falkaasi maxkamad loo soo taagi doono.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON