Dayax gacmeedkii ugu horeeyay ee shirkadda Facebook yeelato oo qiimihiisu ku kacay 200 Milyan doolar ayaa burburay kadib markii qarxay xiligii hawada loo diri lahaa.
Shirkadda howshan waday ee (The space exploration and technologies firm) ayaa xaqiijisay in dayax gacmeedkii Amos-6, oo qeyb ka ahaa mashruuca qorshaha mustaqbalka ee aasaasha Facebook Mark Zuckerberg ujeedkiisuna ahaa in internet bilaash ah lagu gaarsiiyo Afrika gebi ahaanba fashilmay.
Wuxuu qorshuhu ahaa in dayax gacmeedka hawada gano duhurnimada xilliga magaalada Florida ee dalka Mareykanka, balse ay dhacday markii ay ahayd inuu kaco ay xaaladu noqotay qarax weyn iyo burbur aan hore loo arag.
Shilkan naxdinta leh ayaan ka farxin doonin asaasaha Facebook oo socdaal ku maraya qaaradda Afrika isagoo tegay Nayjeeriya, haddana ku sugnaa Kenya.
Goobjooge.com