Ciidamada AMISOM ee ka kala socda dalka Kenya iyo ciidamada dowladda Soomaaliya oo la socda ayaa goor dhoweyd gudaha u galay magaalada Baardheere e Gobolka Gedo kadiba markii ay muddo toddobaad ka badan ku soo garguuranayeen magaaladaasi.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in ciidamadan oo saaka ka tegay degaanka Jungal ay Buundada Baardheere ka gudbeen, waxaana magaalada isaga baxay kooxda Alshabaab oo hore u sheegtay inay difaaci doonto magaalada ugu danbeysa ee Gobolka Gedo ay ka heysatay.
Ciidamo kale oo Itoobiyaan iyo kuwa dowladda Soomaaliya isugu jira ayaa ku sii socda Baardheere iyagoo gaaray degaanka Dalcadda oo 15Km wax ka yar u jira Baardheere. Waa markii ugu horeysay ee ciidamada Kenya ay gudaha u soo galaan masaafo aad u weyn iyagoo hore ku ekaa Kismaayo iyo magaalooyinka xuduuda ku yaala.
Col. Cabaas Ibraahim Gurey oo hogaaminaya Guutada Koowaad ee ciidamada dowladda gobolka Gedo lana socda kuwa Kenya ayaa sheegay in magaalada ay gees ka joogaan oo ay ku sugan yihiin Buundada, isagoo intaas ku daray in ciidamo kale ay magaalada kusoo fool leeyihiin.
Qabsashada Baardheere ayaa la sheegay inay tahay hadiyad ay dowladaha Itoobiya iyo Kenya siinayaan madaxweynaha Mareykanka Barack Obama oo aakhirka toddobaadkan socdaal ku imaanaya Kenya iyo Itoobiya.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]