Monday, June 23, 2025

DEDGEG: Madaafiic hoobiyeyaal ah oo ku soo dhacay Muqdisho & Qasaare ka dhashay

War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in madaafiic hoobiyeyaal ah ay goor dhoweyd ku dhaceen qeybo ka mida magaalada Muqdisho.

Hoobiyeyaal ilaa saddex ah ayaa ku habsaday xaafada Ceelqalow ee degmada Wadajir,  magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay inay dhaliyeen qasaare.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in canug yar uu ku dhintay, 2 qofna ay ku dhaawacmeen madfac ku dhacay guri ku yaalla degmada Wadajir.

Isla xaafaddan ayaa madaafiic ku habsaday ay ku dileen 7 qof oo laba qoys ka tirsanaa, waxaana madaafiicdan u muuqdaan kuwo loola dan lahaa Garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo Xalane.

WAR CUSUB: Mid ka mida Koox Hoobiyeyaal ku riday Muqdisho oo la dilay & howlgal socda….

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON