Dadaa lagu deminayo dab xoog leh oo ka kacay xerada Qaxootiga RAJO ee degmada WADAJIR oo ay degan yihiin dad ka soo barakacay gobolada dalka Soomaaliya.
Dadka si degdeg ay kacay kadibna ku faafay xerada ayaa qasaare u geystay saddex ruux oo isku qoys ah ayaa ku geeriyooday dabkaas ka kacay xerada, iyadoo ay tiro kale ku dhaawacmeen.
Dabka ayaa ka kacay mid kamid ah guryo ay degan yihiin barakacayasha xeradas kaas oo ku faafay guud ahaan xerada waxana hadda socda dadaallo Gawaarida dab damiska ee maamulka Gobolka Banaadir kuna tacaalayaan dabkaasi.
Sidoo kale waxaa jira Khaasaaro Hantiyadeed oo soo gaaray Xerada,waxaana Bas beelay Guryo badan oo ka sameysan Baco iyo Cooshado oo Xerada Rajo ka dhisnaa.
Goobjooge.com