Wararka laga helayo Gobolka Sh/Dhexe ayaa sheegaya in dagaal culus uu ka dhacay degaan ka tirsan Gobolka Sh/Dhexe, kaasoo dhaliyey qasaare xoog leh.
Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa sheegay in ku dhowaad 30 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab lagu dilay howlgal qorsheysan oo ciidamada xoogga dalka ay ka fuliyeen tuulada Daaru-naciim oo ahayd goob saldhig ah oo ay isku abaabulayeen Alshabaabkii laga saaray degaanka Alkowthar ee gobolka Shabeellada Dhexe.
Weerarka maanta ayaa lagu baabi’iyay fariisimihii Alshabaab ku lahaayeen Tuulada Daaru-naciim, waxaana gaaray ciidamada dowlada, iyadoo dadka degaanka ay sheegeen inay isaga cararreen dagaalamayaashii Alshabaab.
Dagaalka maanta waxaa ka qeyb galay diyaaradaha is-wada ee dagaalka oo loo yaqaan ee Drone-ka, kuwaas oo duqeymo culus ku qaaday dhufeysyadii Alshabaab, waxana dadka degaanka soo sheegeen in maleeshiyada Alshabaab oo laba iyo saddex u socda ay ka baeen degaankaasi.
