Wednesday, June 25, 2025

DEGDEG: 127 Xildhibaan oo Mooshin looga horjeedo Mooshinkii Madaxweynaha u gudbiyay Guddoonka Barlamanka

War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in Mooshin cusub oo ay diyaariyeen qaar kamida xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya loo gudbiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaaiya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) oo iminka uun ay gacanta ka saareen xildhibaano ka soo horjeeda Mooshinka Madaxweynaha.

Mooshin

Mooshinkan oo ay hore u shaacisay Goobjooge.com (Akhri warka)  inuu qoraalkiisu socdo ayaa waxaa saxiixay 127 xildhibaan waxaana ujeedkiisu yahay in looga hortago Mooshinka xil ka qaadista madaxweynaha oo tan iyo 12-kii Bishan uu gacanta ku hayo Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Mooshinkan waxaa ka soo shaqeeyay taageerayaasha madaxweynaha oo ay ugu horeeyaan Wasiirada xildhibaanada ah iyo xildhibaanada taageersan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Ololihii balaarnaa ee rogaal celinta ahaa oo ay wadeen taageerayaasha madaxweynaha ayaa hadda isu bedelay mooshin cusub oo la  magac baxay “TALO SOO JEEDIN”, wuxuuna ka hadlayaa sharci darrada mooshinka xil ka qaadista ee laga keenay madaxweynaha iyo sida uu halis ugu yahay xaalada dalku marayo xilligan, wuxuuna sharci darro ka dhigayaa mooshinka.

Baarlamaanka oo ku kala qeybsan mooshinka madaxweynaha ayaa hadda u muuqda inuu sida caadada u ahayd laba qeybood u kala jabay, halkaasi ka bilaaban doonto herdankii siyaasadeed ee hoteelada Muqdisho. Xaalada cusub ee Baarlamaanku galay ayaa culeys kale ku sii kordhin doonta Guddoonka Baarlamaanka.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON