Wednesday, June 25, 2025

20 qof oo lagu dilay weerarkii Baarka Laga-roobayaasha ee Orlando, Marykanka

Booliska Mareykanka ayaa shaaciyay in 20 qof lagu dilay weerarkii xalay xilliga Orlando, gobolka Florida lagu qaaday Baar lagu caweeyo oo caana, kaasoo ay isugu tagaan ragga laga roonayaasha ah.

Booliska ayaa tirada dhaawaca ka dhigay in ka badan 40 qof oo isbitaalada la dhigay, waxayna sheegeen in ninka weerarka qaaday uu watay qori iyo bistoolad, isla markaana uu heystay qalab kale oo qarxa, laguna dilay dagaal dhex maray sarkaal ka tirsan Booliska.

Ma cadda ujeedada weerarka laakiin taliyaha Booliska Orlando ayaa saxaafadda u sheegay in argagixiso gudaha ah uu ahaa qofka falkaas geystay. Booliska ayaa baaraya qorshaha ka danbeeyay weerarka iyo inuu xiriir la leeyahay argagxiso islaami ah, waana weerarkii ugu qasaaraha badnaa ee dhowaanahan ka dhaca dalka Mareykanka.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON