Wararka laga helayo Gobolka Bayaa ayaa sheegaya in dad ka badan 30 qof ay ku dhinteen, isla markaana 28 kale ay la il daran yihiin biyo ay cabeen.
Arrintan oo ka dhacday Degaanka Masuubi e Gobolka Baay ayaa la sheegay inay ku sumoobeen biyo ay ka cabeen War degaankaasi ku taalay, waxaana laga cabsi qabaa inay dhimashadu sii kororto.
Mas’uuliyiinta maamulka Koonfur Galbeed ayaan weli ka hadlin xaaldan caafimaad oo u baahan in degdeg wax looga qabto, waxaana dadka degaanka ay gargaar caafimaad iyo dhaqaatiir weydiisteen magaalada Baydhaba.
Goobjooge.com