Wararka laga helayo Gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamada Kenya ay deegaanka Likooleey ee Gobolkaasi ku dileen Guddoomiyihii Degaanka Ceelcadde C/rashiid Cali Cabdi Qoorleex iyo askar la socotay oo Kenyaati ah uu dhaawac culus ka soo gaaray weerar ay Alshabaab ku qaadeen kolonyo ay la socdeen.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in weerar gaadmo ah oo Alshabaab ku qaadeen gaadiid ay wateen ciidamada Kenya oo uu la socday Guddoomiyaha Ceelcade ay la heleen qori baasuuke ah, iyadoo dhaawacyo aad u culus ay soo gaareen dhowr askari oo Kenyaati ah iyo guddoomiye Qoorleex.
Weerarka Alshabaab ayaa la sheegay inuu ka dhacay tuulada Linkoy shalay galab, waxaana qasaare kala duwan ciidamada Kenya kasoo gaaray weerarkaasi.
Dhinaca kale Korneyl Aadan Rufle oo ka tirsan Saraakiisha ciidamada Millateriga Dowladda ee Gobolka Gedo, ayaa askarta Kenya ku eedeeyay inay dileen Guddoomiyihii Ceelcadde.
Goobjooge.com