Tuesday, July 1, 2025

DEGDEG: 50 ka mida xildhibaanadii saxiixay Mooshinka Madaxweynaha oo war cusub soo saaray

in ka badan 50 xildhibaan oo kamida xildhibaannadii  ku saxiixnaa mooshinkii laga keenay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta shir jaraa’id ka sheegay  caddeeyay ka tanaasuleen Mooshinkaasi oo ay wadahadal u bedelayaan mooshinkoodiii.

breaking-news2

Kulan gaara oo ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho ayay xildhibaanadan  soo saareen go’aan cusub oo ay ka qaateen mooshinkoodii waxayna caddeeyeen inay dib uga laabteen mooshinkii xil ka qaadista madaxweynaha, waxayna soo dhoweeyeen wadahadalkii uu ku baaqay guddoomiyaha Baarlamaanka oo ay sheegeen inay diyaar u yihiin.

War saxaafadeed ay xildhibaanadaasi  soo saareen  ayaa waxaa lagu qoray  12 qodob oo lagu sheegay in lagu soo dhoweeyay talada Guddoomiyaha Baarlamanka  ee xal u helida xiisad siyaasadeed ee dalka ka taagan. Xildhibaan C/laahi Maxamed Adan (Shaacir) oo ka mid ah mudanayaasha ayaa sheegay iney go’aankan  qaateen markii ay tixgeliyeen baahida loo qabo dhameystirka dhismaha maamul goboleedyada, codsiga gudoomiyaha baarlamanka iyo kan beesha caalamka.

Xildhibaan Aamino Cumar oo iyaduna kulanka ka hadashay ayaa sheegtay in xildhibaannada go’aankan qaatay ay intooda badan yihiin kuwii hore mooshinka uga keenay madaxweynaha, iyagoo garoowsaday xaaladda dalku marayo.

Muddooyinkan danbe waa burbur iyo kala jab ku socday xildhibaanada Mooshinka xil ka qaadista madaxweynaha waday oo culeyso badan soo wajaheen waxayna tani noqoneysaa jugtii ugu weyneyd ee mooshinka madaxweynaha ku dhacdo.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON