Monday, June 23, 2025

DEGDEG: 54 Qof cusub oo laga helay cudurka Coronavirus iyo Dadka qaba oo ku dhow 600 Qof.

Wasaaradda Caafimaadka xukuumadda Soomaaliya ayaa goor dhoweyd shaacisay inay dad hor leh laga helay cudurka Coronavirus, kadib baaritaankii la sameeyay 24-kii saac ee lasoo dhaafay.

Wasiirka caafimaadka Fowsiya Abiikar oo shirkeeda jaraa’id ee Galablaha ah ka hadleysay ayaa sheegtay in 24-kii saa ee lasoo dhaafay cudurka Covid-19 laga helay dad gaaraya: 54 Qof.

Dadka laga helay ayaa kala ah: Lab: 40 iyo Dhedig: 14, waxayna dhammaantood joogaan Muqdisho, iyadoo uu soo bogsooday 1 qof, lamana soo werin Dhimasho.

Tirada guud dadka laga helay cudurka gudaha Soomaaliya ayaa gaartay 582 qof, waxaana guud ahaan ka bogsooday 20 qof, iyadoo geerida ay tahay 28 qof.

Soomaaliya ayaa ka mida dalalka ugu horeeya Cudurka ee Geeska iyo Bariga Afrika, siiba geerida oo Afrika oo dhan ay kaalinta 12-aad uga jirto.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON