War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in ninka lagu eedeeyay abaabulka weerarkii Alshabaab ku qaaday xarunta Jaamacadda Gaarisa lagu dilay weerar gaara oo laga fuliyay duleedka magaalada Kismaayo.
Wararka hore u soo baxay ayaa sheegayay in Dulyaden lagu dilay weerar cirka ah oo ay qaadeen laba diyaarado helikobtarro ah oo ay wateen ciidamo ajnabi ah iyo ciidamo Soomaaliyeed oo wehliya, kaasoo xalay ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo, degaanka Farwamo ee Buulogaduud. balse Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in Maxamed Kuna la qabtay.
Sheekh Maxamed Dul-yaden oo loo yaqaan Maxamed Kuna kana soo jeeda waqooyi Bari Kenya ayaa hore uga tirsanaa kooxdii Raas Kaambooni ee uu madaxda ka ahaa Sheekh Axmed Madoobe, isagoo markii danbe noqday Alshabaab.
Dowlada Kenya ayaa madaxa ninkan hore u saartay lacag, waxaana lagu eedeeyay inuu abaabulay weeraro ka dhacay gudaha Kenya oo uu ka mid ahaa weerarkii lagu dilay 148 ruux kana dhacay Jaamacadda Gaarisa.
Goobjooge.com