Friday, July 11, 2025

Afgembigii dalka Gabon oo dhicisoobay iyo ciidamadii ka danbeeyay oo la xiray…

Wararkii ugu danbeeyay ee dalka Gabon ayaa sheegay inuu dhicisoobay afgembigii saaka ka dhacay dalkaasi ee la sheegay in xilka looga tuuray madaxweynihii dalkaasi Cali Bongo.

Ciidamo ka tirsan milateriga dalkaasi ayaa qabsaday xarumaha dowladda iyo idaacadda dalkaasi iyagoo ku dhawaaqay afgembi ka dhacay dalka Gabon iyo xaalad degdeg, balse saacado kadib ayaa waxaa hadda soo baxaya in afgembigaasi laga hortegay.

Wasiirka isgaarsiinta dalka Gabon ayaa sheegay in xaaladda ay caadi kusoo noqotay isla markaana gacanta lagu dhigay askartii isku dayday afgembiga, sida ay shaacisay wakaalada wararka AFP.

Taangiyo iyo ciidamo fara badan ayaa lagu arkay magaalada Libreville ee dalka Gabon, wuxuuna afgambiga socday muddo saddex saacadood ah, iyadoo xaaladda ay hadda u muuqato inuu dhicisoobay afgenbigii lagu doonayey in xilka looga tuuro madaxweyne Cali Bongo oo isaga iyo qoyskiisa ay dalkaasi saliidda qaniga ku ah soo maamulayeen muddo 50 sano ah.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON