Afhayeenka kooxda Khilaafada islaamiga ee Ciraaq iyo Suuriya (Daacish) ayaa lagu dilay magaalada Xalab ee dalka Suuriya.
Afhayeenka oo lagu magacaabi jiray Abu Maxamed Al-adnani ayaa dilkiisa lagu xaqiijiyay website ay leedahay kooxda ISIS.
Wakaalada raacsan Daacish ee Acmaaq ayaa shaacisay in Talaadadii maanta lagu dilay afhayeenak magaalada Xalab xilli uu kormeer ku hayay howlgalka ciidamada.

buu Maxamed Al-cadnaani ayaa ka mid ahaa xubnaha ugu waqtiga dheer ka mid ahaa kooxda Daacish, sida uu ku dhintay ma cadda, mana jirto faahfaahin badan oo kooxdu ka bixisay qaabka ay u dhinteen.
Goobjooge.com