Maleeshiyo ka tirsan kooxda Alshabaab ayaa markii ugu horeysay weerar ku qaaday isla markaana qabsatay degaanka Garacad ee degmada Jariiban, Gobolka Mudug qeybta raacsan Maamulka Puntland.
Wararka laga helay dadka degaanka Garacad ayaa xaqiijiyay in maleeshiyo hubeysan oo Alshabaab qaabkoodu yahay ay qabsadeen degaan xeebeedka Garacad oo maamulka Puntland ay ka wadeen qorshe ay doonayeen inay Dekad ka dhisaan.
Xaaladda ayaa kacsan iyadoo Alshabaab ay hawada ka saareen Isgaarsiintii Garacad, waxaana degaanada Puntland ee Mudug ka socda olole heegan lagu geliyay ciidamada kala duwan, waana markii ugu horeysay ee Alshabaab degaano ka tirsan la wareegto.
Goobjooge.com