War degdeg ah oo hadda soo dhacay ayaa sheegaya in kooxda Alshabaab ay weerar culus maqribnimadii caawa ku qaadeen degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha hoose.
Weerarka oo ahaa mid aad u culus ayaa deryanka hubka laga maqlay degaano ka fog degmada, waxayna dadka degaankaasi sheegayaan in xaaladda aanay kala caddeyn oo qaraxyo iyo dagaal culus uu socdo.
Alshabaab ayaa la sheegay inay qabsadeen qeybo ka mida degmada Qoryooley kadib dagaal qaraar oo ay la galeen ciidamada AMISOM iyo dowladda Federaalka, waxaana weli socda dagaalka. Saldhigii ciidamada dowladda ayaa la sheegay inay qabsadeen Alshabaab, iyadoo ciidamadii dowladda oo dib u gurtay ay gabaad ahaan u galeen xerada AMISOM.
Alshabaab ayaa sidoo kale qabsaday xarunta degmada Qoryooley, waxaana wararka hadda soo dhacayay ay sheegayaan in ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka lagu dilay dagaalka.
Alshabaab ayaa hore weeraro qasaaro badan dhaliyay ku qaaday xerooyinka ciidamada AMISOM ee Leego iyo Janaale, taasoo markii danbe keentay in ciidamada AMISOM isaga baxaan degaano badan oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.
Goobjooge.com