Maleeshiyo ka tirsan kooxda Alshabaab ayaa weerar culus aroornimadii saaka ku qaaday saldhigga ciidamada AMISOM ee Janaale iyo kuwa dowladda Federaalka ee halkaasi ku sugan.
Weerarka oo ahaa mid culus ayay AMISOM sheegatay inay fashilisay oo qasaare baaxad leh gaarsiisay maleeshiyada Alshabaab, kadib weerarka oo lagu soo qaaday xarumaha ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Federaalka, sida AMISOM sheegtay.
Wararka laga helayo dadka degaanka ayaa sheegaya in hub culus iyo rasaas laga malay Janaale iyadoo dagaal xoog leh dhex maray labada dhinac, lamase xaqiijin sheegashada AMISOM ee ah inay iska caabiyeen weerar culus oo uga yimid Alshabaab, una geysteen qasaare aan weyn.
Alshabaab ayaan weli wax war ah ka soo saarin dagaalkan.
SNA &AMISOM troops have this morning foiled an Al Shabaab attempt to attack their positions &FGS Institutions in Janalle, Lower Shabelle 1/2
— AMISOM (@amisomsomalia) April 26, 2016
La soco faahfaahinta…
Goobjooge.com