Wararka laga helayo duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maleeshiyo ka tirsan Alshabaab ay weerar culus ku soo qaadeen xarun ciidamada dowladdu ku leeyihiin degaanka Xaawo Cabdi.
Dagaalyahannada Al-shabaab ayaa la shegay inay weerar culus ku ekeeyeen fariisin bar koontarool ah oo ciidamada dowladda ku lahaayeen degaanka Xaawo Cabdi.
Labada dhinac ayaa dagaalkoodu ahaa mid qaraar, waxaana uu markii hore ka qarxay bartamaha degaanka Xaawo Cabdi, iyadoo markii danbe dib loo riixay maleeshiyadii Alshabaab.
Dadka degaamka ayaa sheegay in dagaalkan oo si kedis ah ku bilowday uu socday muddo ka badan Nus saac, iyadoo ay ku biireen ciidamo gurmad ah oo dowladda federaalka halkaasi u dirtay.