Kooxda Alshabaab ayaa dagaal culus oo rogaal celis ah goor dhoweyd ku qaaday magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose kadib markii ay saaka ka baxday oo ay dib ula wareegeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.
Maleeshiyada Alshabaab ayaa weerarka ay ku qaaday magaalada Marka uu hadda socdaa iyadoo madaafiic iyo hubka culus la isku weydaarsanayo gudaha magaaladana ay ku dhacayaan gudaha iyo daafaha magaalada.
Dadka degaanka ayaa sheegay in dagaalka uu yahay mid culus oo AMISOM ay adeegsanayso hubka waaweyn, waxaana dadka ku haray magaalada ay ku jiraan xaalad halis ah iyagoo ka baqaya rasaasta dushooda ka dhaceysa.
Faahfaahin la soco Goobjooge.com