Wararka laga helayo magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in saaka mar kale ay ciidamada AMISOM dib ugu laabteen magaaladaasi oo dagaal ay la galeen kooxda Alshabaab oo gacanta ku heysay labadii maalmood ee ugu danbeysay.
Ciidamada AMISOM oo ay la socdeen ciidamo degaanka ah oo ku sugnaa duleedka magaalada ayaa saaka galay magaalada waxaana dadka degaanka ay soo sheegayaan inay la wareegeen mar kale gudaha magaalada oo toddobaadkan gudihiisa saddex jeer isbedel ku dhacay.
Rasaas xoog leh ayaa laga maqlayaa gudaha magaalada Marka kadib markii ay galeen ciidamada AMISOM iyo maleeshiyo la socota…
Wixii kasoo kordha nala soco…..