Friday, June 27, 2025

DEGDEG: AMISOM oo duqeyn ka bilowday Magaalada Marka ee Gobolka Sh/hoose

Wararka hadda soo dhacay ayaa sheegaya in duqeyn madaafiic ah ay ka socoto magaalada Marka ee xarunta Gobolka Sh/hoose, iyadoo aan la ogeyn halka duqeyntaasi ku socoto.

Degdeg

Ciidamada AMISOM ayaa madaafiic ku garaacaya xeebta magaalada Marka, waxaana dadka magaalada ku dhaqan soo wajahday cabsi ku saabsan madaafiicdaasi oo dushooda mareysa.

Xaafadda Buulo-jaan ayaa wararku sheegayaan in madfac laga riday kaasoo lala beegsaday xarun ay AMISOM ku leedahay halkaasi, taasoo keentay  duqeymaha ay AMISOM ku jawaabeyso.

Madaafiicda ayaa weli socota xilligan habeennimo, waxaana magaalada Marka dhowaanahan ka taagnaa xiisado colaadeed iyadoo dhowr jeer ciidamada AMISOM ay falal dil ka geysteen magaaladaasi.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON