Monday, July 14, 2025

DEGDEG: Arrin yaab leh oo ka dhacday Doorashada Kursigii Baarlamaanka ee Dhuusamareeb

War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in doorashadii Kursi Baarlamaan oo maanta ka dhaceysa magaalada Dhuusamareeb ay ka dhacday arrin yaab leh oo keentay in Guddiga Doorashooyinka uu ka hor yimaado.

Kursigan oo la ogyahay inuu kusoo baxayo taliyihii hore ee NISA C/llaahi Gaafow Maxamed ayaa waxaa dhacday markii la furay Doorashada oo ay halkaasi khudbado ka jeediyeen Guddoomiyaha Doorashada, odayaal iyo marti sharaf kale inuu halkaasi ka hadlay musharixii la tartamayey C/llaahi Gaafow oo ah nin lagu magacaabo  Xiireey Muxudiin Cumar, Guddoomiyihii hore ee degmada Deyniile, isagoo sheegay inuu u tanaasulay Musharax C/llaahi Gaafow.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashada ayaa markaas kadib sheegtay inay sharci darro tahay isu tanaasul ka yimaada musharixiinta dhexdooda oo kaliya lagu kala bixi karo Doorasho iyo cod, sidaas darteedna aan la aqbali karin tanaasulka musharaxa kaliya ee la tartamaya C/llaahi Gaafow, waxayna caddeysay in doorashada ay dhici doonto.

Ergada jufada kursigan leh, ugaaska iyo dhammaan dadka isugu tegay magaalada Dhuusamareeb ayaa isku raacsan in C/llaahi Gaafow ku soo baxo kursigan, taasoo meesha ka saartay in doorasho sax ah lagu kala baxo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON