Hogaamiyaha maamulka Juba Axmed Maxamed Islaan (Madoobe) ayaa Baarlamaan goboleedka Jubbaland ka dalbaday Baarlamaanka Juba ee dowladda Federaalka sharci darrada ka dhigtay inuu la kordhiyo waqtiga ay u qabteen doorashada madaxweynaha Maamulka Jubba oo shalay lagu dhawaaqay inuu dhici doonto 15-ka Bishan Ogost.
Axmed Madoobe ayaa la sheegay inuu Baarlamaankiisa ku wargeliyay inay xilliga kooban ee la qabtay aanu ku filneyn in doorasho lagu qabto, loona baahan yahay in la sameeyo olole weyn oo doorashada ku saabsan isla markaana musharixiinta la siiyo waqti ay isku diyaariyaan.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Juba ayaa ku dhawaaqay shalay in doorashada ay dhici doonto 15 Ogost, iyadii Axmed Madoobe uu laftiisa shirkii shalay lagu ansixiyay dastuurka Jubba ka sheegay inaysan doorashadu ka dib dhici doonin August 15-keeda. Arrintan waxay muujineysaa in waxa Kismaayo ka socda ay yihiin howl uu iska wato Axmed Madoobe, isaguna uu yahay musharaxa kaliya ee awoodda leh.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]