Baarlamaanka Puntland ayaa kulan degdeg oo uu maanta ayuu ku diiday kana hor yimid heshiiska Madasha Qaran ee lagu qaatay in aqalka hoose ee Baarlamaanka lagu soo xulo qaabka 4.5
Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi ayaa ku dhawaaqay go’aanka, isagoo sheegay in Puntland aanau ogolaan karin 4.5, beesha caalamkana ay ugu baaqayaan inaysan taageerin go;aan aysan Soomaalida u dhameyn.
Shirka Baarlamaanka Puntland ee magaalada Garowe oo la qabtay intii aanu madaxweynaha Puntland gaarin degaanadaasi xilli uu hawada ku soo jiray ayaa lagu qaatay go;aan ah in Puntland Baarlamaankeeda ka horjeedo in 4.5 lagu saleeyo awood qeybsiga dowladda.
Arrintan ayaa ku soo beegantay iyadoo magaalooyinka Puntland maanta lag dhigay banaanbaxyo la abaabulay oo lagu diidan yahay heshiiska Muqdisho iyo qaabka doorashada 2016.
Goobjooge.com