Wararka caawa laga helayo Gobolka SH/hoose ayaa sheegaya in ciidamada AMISOM ay ka baxeen saldhigoodii weynaa ee degaanka Janaale oo horaantii bishan weerarka culus ay ku qaadeen kooxda Alshabaab, iyagoo aan wax wargelin ah siinin ciidamada dowladda ee degaankaasi kula sugnaa.
Sida ay sheegeen dadka Janaale ciidamada ayaa la arayay iyagoo ka guuraya saldhigii Janaale, waxayna faarujiyeen degaankaasi, iyadoo aan la ogeyn sababta ka dambeysa arrintan oo imaaneysa 17 maalmood kadib markii saldhigaasi ay Alshabaab kula wareegeen weerar xoog leh kadibna isaga baxeen.
Muddooyinkan danbe ciidamada AMISOM ayaa waday dib isu habeyn iyagoo baneeyay saldhigyo dhowr ah isuguna tegey xarumo waaweyn gobolka Sh/hoose arrintaas oo welwel ku abuurtay dadka degaanka iyo dowladda Federaalka.
Wararkii ugu danbeeyay waxay sheegayaan in maleeshiyo ka tirsan Alshabaab ay la wareegtay caawa degaanka Janaale oo Maqribnimadii ay iskaga baxeen ciidamada AMISOM.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]