Ciidmada gadoodsan ee Milateriga Soomaaliya ayaa goor dhoweyd la wareegay qeybo cusub oo ka mida caasimadda Muqdisho.
Gaadiidka dagaalka ee ay wataan ciidamada ayaa la wareegay Isgoysyada Sanca ee kala qeybiya degmooyinka Yaaqshiid, Kaaraan iyo Shibis ilaa Beyxaani oo u dhow xarunta weyn ee Nabadsugidda Habar Khadiijo.
Wararkii ugu danbeeyay aya sheegaya in ciidamadan oo ka horjeeda muddo kororsiga Maxamed C/llaahi Farmaajo ay kusii jeedaan Isgoysyada cusub ee Jardiinka iyo Maanabooliyo, waxayna isku fidinayaan degaano hore leh.
Ciidamadii Booliska ee ku sugnaa Isgoyska Sanca ayey ciidamadu ku amreen inay halkaasi isaga tagaan, waxayna si fudud u banneeyeen bartii ay ku lahaayeen halkaasi.
Ciidamadan ayaa hadda ka taliya qeybo ka mida degmooyinka Kaaraan, Yaqshiid, Heliwaa, C/casiis iyo Shibis..


LA SOCO WIXII SOO KORDHA..