Thursday, June 26, 2025

DEGDEG: Ciidamada gadoodsan oo xero milateri ku qabsaday Abaanduulaha Milateriga

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamada milateriga Soomaaliya oo maanta ka gadoodsan mushaarka aan la siin muddo dheer ay qabsadeen Abaanduulaha ciidamada Xoogga Dalka Cali Baashi Maxamed Xaaji.

Ciidamadan loo saldhigoodu yahay Warashadda Nacnaca ee duleedka Muqdisho una dhow degaanka Jaziira ayaa la sheegay  inay xeradaasi ku xayireen abaanduulaha xoogga dalka Gen. Cali Baashir Xaaji Cumar una diideen wax dhaqdhaqaaq ah inta laga xaliyo arrintooda.

Gadoodka ciidamada ayaa maanta saameeyay wadooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho qaarkood oo muddo ay xirteen, laakiin markii danbe lagu guuleystay in laga kaxeeyo wadahadal ay la galeen saraakiil ka tirsan Booliska iyo NISA kadib.

Gen. Cali Baashi Maxamed Cumar

Ciidamada ayaa ku doodaya in 10 bilood mushaar ka maqan yahay, isla markaana ay maqleen in madaxweyne Farmaajo lacag kasoo helay dalka Sacuudiga.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON