War goor dhoweyd soo dhacay ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya oo ay la socdaan ciidamo Soomaali ah iyo maleehsiyo kooban ay la wareegeen degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhexe kadib muddo saddex maalmood ah oo ay ku soo sinqayeen.
Ciidamada ayaa la sheegay inay galeen magaalada iyadoo aan wax dagaal ahi ka dhicin, marka laga reebo jid-gooyo loo dhigay duleedka magaalada saaka, waxayna degeen banaanka magaalada iyagoo ka cabsi qaba in miinooyin lagu aaday gudaha degmada.
Dadka degaanka degmada Aadan Yabaal ayaa la sheegay inay intooda badan ka qaxeen degmada, waxaana ciidamada la socda guddoomiyaha degmada oo dibad joog ahaa, dadka degaanka ayaa la filayaa inay dib ugu soo laabtaan degmada.
Maxamed Muumin Climi oo loo yaqaan Saneey oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda ee howlgalkan hogaaminaayay ayaa warbaahinta u xaqiijiyay iney la wareegeen degmada Aadan Yabaal. Waxaa uu sheegay in Ciidanka iskaashanaya ay Degmada ka mareen Labada dhinac islamarkaana ay sidaasi kula wareegeen degmada
Goobjooge.com