War hadda soo dahcay ayaa sheegaya in madaxweynihii shalay xilka ka degay ee dowlad deegaanka SAoomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ay qabteen ciidammada militariga federaalka.
Wararka laga helayo magaalada Jigjiga ayaa xaqiijinaya in la qabtay Cabdi Maxamuud,iusla markaana ay uu u gacan galay ciidamada milateriga Itoobiya. Ilaa hadda lama garanayo halka ay u kaxaysteen ciidammada militariga Itoobiya iyo waxa ay ka damacsan yihiin.
Shalay ayuu xilkii madaxweynahii dowlad deegaanka Soomaalida iska casilay Cabdi Maxamuud Cumar. Waxaa madaxweynaha cusub loo magacaabay Axmed Cabdi Sheikh Maxamed.
LA SOCO WIXII SOO KORDHA..