Friday, June 27, 2025

DEGDEG: Ciidamada Jubba oo soo furtay haweeney Kenyaan oo laga soo afduubtay xeryaha Qaxootiga

War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in  degmada Dhoobley ee Gobbolka Jubbada Hoose ay Ciidamada maamulka Jubba ku soo furteen, soona badbaadiyeen Haweeney u dhalatay dalka Kenya oo dhowr maaalmood u afduubneyd dabley hubeysan, iyadoo laga soo qafaashay duleedka xerada Dhadhaab ee dalka Kenya. Haweeneydan ayaa lagu magacaabaa Judy Mutua.

judy-pic

Ciidamada maamulka Jubba iyo Maleeshiyadii afduubka ku heysatay  Haweeneyda ayaa la sheegay inuu dagaal xoog leh dhex maray, markii ay weerareen goob lagu tuhunsanaa in lagu heysto. Waxaan markii dambe ciidamada Jubba u suura galay inay soo badbaadiyaan Haweeneydan oo ahayd macalimad u shaqeyneysay hay’ad lagu magacaabo Ha’yadda Windle Trust International, oo ah urur aan dowli ahayn oo samafal.

Dagaalka ayaa ka dhacay wadada Shabaax ee duleedka Dhoobley, Maleeshiyaadka afduubka ku heystay haweeneydaasina ay gaarayeen 7 qofo oo la dilay mid kamida, waxaa kaloo jira qasaare kale oo goobta ka dhacay. Waxaana lagu wadaa in haweeyneydaasi maanta la keeno magaalada Kismaayo iyadoo loo dhoofin doono magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON