Wararka laga helayo Gobolka Bari ayaa sheegaya in ciidamada Puntland ay gudaha u galeen ciidamada Puntland.
Ciidamada Puntland ayay markii dambe u suuragashay inay galaan degmada Qandala ee Gobolka Bari, kadib dagaal maalmo socday oo dhex maray maleeshiyada Daacish iyo ciidamada Puntland.
Qasaaraha dagaalka ayaa la sheegay in labada dhinacba ay jiraan dhimasho iyo dhaawac iyo maxaabiis laga qabtay kooxda Daacish.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidamada Puntland ay la wareegeen Warshadii Kalluunka iyo Taawerka magaalada Qandala, waxaana jira kooxo Daacish ka tirsan oo weli ku sugan gudaha Qandala.
Goobjooge.com