Wararka laga helayo magaalada Cadaado ayaa sheegaya in ciidamo ka socda AMISOM la geeyay magaaladaasi.
Ciidamada AMISOM ee la geeyay Cadaado ayaa ka kooban dalalka Jabuuti iyo Brundi, waxayna tiradoodu gaareysaa 100 askari, sida uu sheegay afhayeenka madaxtooyada Galmudug.
Ciidamada AMISOM ayaa la wareegaya ammaanka Madaxtooyada Galmudug ee magaalada Cadaado, iyo goobaha ay ka dhaceyso doorashada aqalka hoose ee Baarlamaanka.
Ciidamadan ayaa la filayaa inu lagu kordhiyo tiro kale, waxayna ku hubeysan yihiin gawaarida Gaashaaman.
Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa hore u sheegay in ciidamo ka socda AMISOM ay sugi doonaan ammaanka doorashooyinka ka dhacaya magaalada Cadaado.
Goobjooge.com