Tuesday, June 24, 2025

Cudurka Coronavirus oo soo gaaray Dalka Kenya (Kiiskii ugu horeeyay oo la shaaciyey)

War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in dowladda Kenya ay xaqiijisay in kiiskii ugu horeeyay ee cudurka COVID-19 ee uu keeno Coronavirus laga helay dalkeeda.

Wasiirka Caafimaadka ee dalka Kenya Mutahi Kagwe ayaa goor dhoweyd shaaciyey in cudurka Coronavirus laga helay Haweeney Kenyaan ah oo ka timid dalka Mareykanka, soona martay magaalada London, taasoo 5-tii bishan March soo gaartay magaalada Nairobi.

Wuxuu intaas ku daray in qofka laga helay ayuu sheegay in xaaladeeda ay degan tahay, isla markaana heerkulka jirkeeda uu hoos u dhacay, balse aan lasii deyn doonin inta cudurka ay ka bogsaneyso, iyadoo lagu karaantiilay qeybta cudurrada faafa ee Isbitaalka Kenyatta National Hospital ee magaalada Nairobi.

Waxaa la raadinayaa dadkii ay la kulantay haweeneydan cudurka laga helay iyo dhammaan inta ay xiriirla la yeelatay si loo karaantiilo, waxaana jirta cabsi ku saabsan inay dad kale lasii kulmeen.

Waa kiiskii ugu horeeyay ee Coronavirus oo si rasmi ah looga helo dalalka Bariga iyo Geeska Afrika.

LA SOCO FAAHFAAHIN KALE…

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON