Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali ayaa goor dhoweyd ka degay garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne, isagoo ka ambabaxay magaalada Muqdisho.
Wafdiga Ra’iisal wasaaraha oo ay ka mid yihiin wasiiro iyo xildhibaano waxaa garoonka Beledweyne ku soo dhoweeyay xubno uu hor kacayay wasiirka Arrimaha gudaha iyo wasiirka Batroolka oo hore ugu sugnaa magaladaasi, maamulka gobolka Hiiraan iyo waxgarad kala duwan.
Ujeedada socdaalka Cumar C/rashiid ayaa lagu sheegay sidii xal loogu heli lahaa khilaafka ka taagan maamul u sameynta labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, waxaana odayaasha reer Hiiraan ay hore u diideen inay la kulmaan wafdiga wasiirka arrimaha gudaha.
Cumar C/rashiid waxaa ka horeeyay oo dhowaan gaaray magaalada Beledweyne Odayaal iyo Duubab uu hogaaminayay Imaam Maxamed Yuusuf, waxaana magaalada Beledweyne ka socda dadaal aan loo kala harin.
Goobjooge.com