Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali (Gaas) ayaa goor dhoweyd ka baxay shirkii wadatashiga arrimaha hiigsiga cusub iyo doorasho ka dhacda Soomaalida 2016-da kadib markii arrimo uu doonayay in looga hadlo shirka la sheegay inaysan ka mid ahayn ajendaha.
Wararka hadda soo dhacay ayaa sheegaya in wafdiga Puntland ay bannaanka uga baxeen shirka balse uu shirku sii socdo iyagoo guddi beesha caalamka ka mida ay wadaxaajood la leeyihiin wafdiga C/weli Gaas si ay ugu qanciyaan inuu shirka ku laabto.
C/weli Gaas iyo wafdiga Puntland ayaa la sheegay inay diidan yihiin Galmudug inay ka mid noqoto maamulada dalka ka jira, arrintaas oo markan keli ku noqdeen isla markaana aanu jirin maamul kale oo la qaba.
Wixii soo kordha la soco goor dhow…..Insha allaah
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]