FAAHFAAHIN: Dab xoog leh oo saaka qabsaday Suuqa weyn ee Bakaaraha, Muqdisho

0

Dab xoog leh ayaa aroortii hore ee  saaka ka kacay suuqa ugu weyn Soomaaliya iyo Geeska Afrika ee Bakaaraha, magaalada Muqdisho.

Dabka ayaa laga dareemay guud ahaan magaalada oo dhan oo uuro xoog leh ay hawada qabsatay.  Dabka ayaa ka kacay qeybta Qandallada iyo  Maacuunta, waxaana guud ahaan dabkaasi laga arkayaa arkayaa daafaha Magaalada.

Waxaa socda dadaal loogu jiro daminta dabka saacad badan socda , waxayna dadku ku soo tooseen qeylada baabuurta dab damista, iyadoo Dabku yahay mid aad u baaxad weyn.

Dadweyn iyo ganacsato fara badan aya ku sii qulqulaya. waxaa kaloo suuqa la geeyay ciidamada ammaanka. Qasaare xoog leh ayaa la sheegay inuu dabku geystay.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in dabku uu baabi’iyay qeybo muhiim ah sida suuqii weynaa ee Khaliifa oo gubtay iyo qeybta Dahabla oo gebi ahaan bas beelay. Dabka ayaa sii xoogeysanaya.

Qasaarihii nafeed ee ugu horeeyay ayaa la sheegay kadib markii 4 qof ku dhinteen dabka oo weli socda, waxaana uu baabiyay qeybo ka mida suuqa. Dadaalada socda ayaan iminka lagu guuleysan in dabka lagu damiyo.

Waa markii labaad ee uu dab qabsado suuqa muddo 36 maalmood gudahood ah. Dabkii ugu danbeeyay wuxuu suuqan ka kacay 21 Janaayo.

Dabka ayaa intiisa badan la damiyay iyadoo qeyb u dhow Daarta Cali Dheere ee bartamaha suuqa ku hareen, waxaana dhacay qasaare baaxad weyn oo naf iyo maalba leh.

Goobjooge.com