Ciidamada Booliska magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay qabteen gaari bas yar ah iyo qori hoobiye ah oo caawa laga riday madaafiic garaacday xaafado ka mida degmada Xamarjabab.
Guddoomiyaha Degmada Wardhiigley ayaa sheegay in gaariga oo qoriga saaran yahay la qabtay laguna daba jiro maleeshiyadii caawa weerarka madaafiicda hoobiyeyaasha ay ku qaaday oo rasaas ay is weydaarsadeen ciidamada booliska, loona maleynayo in qaarkood la dhaawacay.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in hoobiyeyaasha ay ku dhaceen Buundada labaad ee degmada Xamarjajab, waxaana ku dhintay laba ruux iyadoo dhaawacuna gaarayo 11 qof oo kale.
Afhayeenka wasaaradda Amniga ayaa sheegay in ciidamada Booliska gacanta ku dhigeen Gaari nooca Dadweynaha (Min Bus) oo uu saarnaa qoriga Hoobiyaha ee loo adeegsaday madaafiicdii lagu weeraray Degmada XamarJabjab ee Gobolka Banaadir, waxaana gaariga la qabtay kadin iska hor imaad dhex maray kooxda madfaca dadatay oo ahgaa afar, waxaana la sheegay inay gaariga ka carareen.
Goobjooge.com