Monday, June 23, 2025

DEGDEG: Dabley weerartay Guriga Madaxweyne ku xigeenka Kenya iyo Dagaal ka socda.. [Sawirro]

Koox Hubeysan ayaa xilligan weerar ku heysta Guriga Madxweyne ku xigeenka Kenya William Ruto.

Gurigan oo ku yaalla  degaanka Sugoi, ee gobolka  Uasin Gishu. Dableyda ayaa ka adkaatay ilaaladii guriga iyagoo gudaha u galay. Ciidamada ammaanka Kenya ayaa goobta tegay oo dagaal kula jira kooxdaasi hubeysan.

Ragga hubeysan ayaa toogtay Sarkaal ka tirsanaa Ciidanka GSU ee Kenya kaas oo ilaalo ka ahaa albaabka,waxaana ay gudaha Guriga ka wadaan dagaal iyada oo ay Rasaas xoog hel dhaceyso.

Ad

Ciidamada Kenya ee gaarka ah ayaa ku biiray howlgalka waxaana ay hadda rasaasta ka socotaa gudaha dhismaha Guriga Ruto ee degaanka Sugoi. Lama oga Cidda ay yihiin qolada weerartay Guriga Madaxweyne ku xigeenka Kenya,waxaana wali socda howlgalka u dhaxeeya kooxda weerartay gurigaas iyo Ciidanka gaarka ah ee Kenya.

Weerarka ayaa dhacay iyadoo Mr. Ruto aanuu Guriga ku  sugneynd oo markaas ka hor uu ka tegay si uu uga qeyb galo olole doorasho.

A police officer arrives at Sugoi, the home of DP Ruto that is under attack.

- Advertisement -

 

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON