Monday, July 14, 2025

DEGDEG: Dabley Weerartay Hotel Caan oo Afduubna u qabsatay Dad Ajaanib ah

Dabley hubeysan ayaa caawa weerar ku qaaday hotel Caan ah oo dadka ajnbiga ah ay degaan iyadoo afduub u qabsatay dad fara badan.

Wararkii ugu horeeyay ayaasheegay in Hotelka caanka ah ee  ‘Le Campement’ oo ku yaala duleedka caasimadda dalka Maali ee Bamako uu hadda weerarku ka socdo, iyadoo rasaas lagu furay dadkii Hotelka joogay.

Ciidamada ammaanka dalka Mali iyo ciidamda Faransiiska ee la dagaalama argagixisada ayaa gaaray Hotelka weerarku ka socdo oo ku yeela degaanka Dougourakoro oo bariga ka xigta magaalada Bamako ee caasimadda dalka Maali, waxaana la sheegay in la xiray wadooyinka soo gala hotelka.

Flames rise above a forest following an attack where gunmen stormed Le Campement Kangaba resort in Dougourakoro

Laba qof ayaa ku dhintay weerarka, waxaana ciidamada ay soo furteen 32 qof. Mid ka mida dableyda weerarka qaaday ayaa la sheegay inuu baxsaday isagoo dhaawac ah.

Ciidamada Faransiiska oo wata gaadiidka gaashaaman ayaa lagu arkay Hotelka iyo agagaarkiisa, waxaana socda nadiifinta hotelka.

Wakaalado

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON