War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in dagaal qaraar uu ka qarxay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Cadaado ee xarunta kumeelgaarka ah ee maamulka Galmudug.
Dagaalka ayaa u dhaxeeya ciidamada ammaanka Garoonka iyo koox ganacsato ah oo qaadka keenta magaaladaasi, dagaalkuna ka socda gudaha garoonka diyaaradaha, wuxuuna ka dhashay muran ku saabsan canshuurta laga qaado Garoonka.
Dagaalka ayaa weli socda, waxaana la maqlayaa rasaas goos goos ah iyadoo dadka magaalada ay ku warramayaan inuu jiro qasaare dhimasho iyo dhaawac leh…
LA SOCO FAAHFAAHINTA..
Goobjooge.com