Wararka hadda ka soo dhacaya gobolka Mudug ayaa sheegaya inuu dagaal cusub dib uga bilowday degaanka Garacad oo shalay dagaal qaraar ku dhex maray ciidamada Puntland iyo Maleeshiyada Alshabaab.
Dagaalka goor dhoweyd dib u bilowday ayaa wararku sheegayaan in hubka waaweyn la isku adeegsanayo iyadoo saraakiisha Puntland ay sheegeen inay doonayaan inay maanta ku soo afjaraan dagaalka toddobaadka ka socday degaanada Puntland ee xeebaha.
Dhinaca kale waxaa maanta lagu waxaa inay saraakiisha Puntland soo bandhigaan maxaabiis iyo meydad Alshabaab oo dagaalkii aagga Suuj lagu dilay.
Goobjooge.com