Monday, July 14, 2025

DEGDEG: Dagaal ka qarxay Magaalada Cadaado iyo xiisad ka taagan magaalada

Wararka laga helayo magaalada Cadaado ayaa sheegaya in xiisad colaadeed ay ka taagan tahay magaalada Cadaado oo rasaas la isku wedaarsaday.

Arrintan ayaa ka dhalatay kadib markii ciidamada nabadsugidda NISA ee Cadaado ku sugan ay tageen xarun ay ku shiri jireen xildhibaanada xilka ka qaaday Madaxweynaha Galmudug oo lagu magacaabo Xero Midow, iyadoo ciidamo Boolis ah oo ilaaliya xaruntaasi ka amray inay tagaan goobtaasi iyadoo ay diideen ciidamada Booliska.

Is-rasaaseyn kooban ayaa saaka dhex martay labada ciidan, laakiin dagaalka ayaa dib u bilowday goo dhoweyd, waxaana hadda dhaceysa rasaas xoog leh oo labada ciidan dhex mareysa.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in rasaastu istaagtay xaaladunad degan tahay, iyadoo ciidamadii NISA ay ka baxeen halkaasi markii ay waxgarad kala duwan soo dhex galeen arrinta.

Is-rasaaseynta ayaa la sheegay inay laba askari ku dhaawacmeen, magaalada ayaa si weyn looga dareemay xiisada, waxaana socda waanwaan.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON